Soomaaliya dalkii dadkiisu dayacay.

Soomaaliya waa dal lagu tilmaamo inuu yahay hodan, aqriste waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa markaad maqasho Kalmada “hodan ah” in soomaaliya ay hodan ku tahay khayraadka dabiiciga ah haseahaatee midaa maahan taan doonayaa maanta.

Soomaaliya waxay hodan ku tahay oo alle “Hibo” u siiyay dadyow wadaaga issirka, diinta, iyo waliba afka.

Kalmadda hibo waa Deeq alle baxsho oo uu siiyo cidii aw doono.

Soomaalidu waa dad hibo leh, Hal abuur leh, qaafiyad iyo dhaqan wanaagsan oo ku salaysan diinta islaamka leh.

Hadana soamalidu ma ahan dad intaa oo nimcaa ku hodmay nasiib darro wali soomaalidu waxay la daalaadhacaysa dhibaatooyin amni xumo iyo daruufo abaareed.

waxay ku guuldaraysteen inay wada jir u noolaadaan una samaystan nadaam dawladnimo oo ay ku kala amaan galaan in ka badan 30 sanno.

Inta badan waxay ku nool yihiin nolol adag oo ka hoosaysa tan dadyowga dunida inteeda badan.